Wararka soomaaliya

October 28, 2008

Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Marka.

Sida ay ku warmayaan warar iminka naga soo gaaray magaalada marka ee caasimadda u ah gobolka Sh/hoose waxaa bartamaha magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose qarax lagula eegtay gaari ay wateen madax ka tirsan taliska booliska ee gobolka Sh/hoose.

October 28, 2008

Qaraxan ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federalka Soomaaliya oo marayey agaaarka dabakaayo madow kuwaas oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

October 28, 2008

Sida ay sheegayaan warar ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka , Ithiopia waxa ay diyaar u tahay in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka soomaaliya waqtiga loo qabtay in ay kaga baxaan,  waxana ay taasi timid ka did markii ay heshiis ku gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo isbahaysiga dib xoreynta ee uu hoggaamiyo Sh Shariif Sh Axmed.

October 27, 2008

wararka naga soo gaaraya magalada kismaayo ayaa sheegaya in maanta xukun rajmi ah dil ah lagu fuliyey haweeney ka dib markii lagu cadeeyey in ay sineysatay iyaduna ay qiratay ,taasoo dhagax lagu dilay sida ay qabto sharecada islaamka

October 27, 2008

Afhayeenka ciidamda AMISOM Bridgaya Bahaku oo ay wehliyaan Saraakiil ka socota ciidamada AMISOM ayaa maanta ku wareejiyay maamulka Isbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhallaanka deeq isugu jirtay dawo iyo shidaal.

 

October 27, 2008

Shirkaan ayaa waxaa ka soo baxay go.aano iyo axkaam waxaana loo xilsaaray in u aqriyo sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culumada waaweeyn ee dalka Mudona ka maqnaa go.aanada ayaa waxaa ay kala ahaayeen go.ano siyaasadeed iyo kuwo fadwo sharci ah dhibatoyin badan oo dalka ka jira shareecada islmaaku waxa ay ka qabto in ummadda loo cadeeyo.

October 27, 2008

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdsiho ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlay heshiiska dhowaan ay ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti dowladda federaalka Soomaaliya iyo isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo Sh Shariif Sh Axmed.

October 27, 2008

Hogaamiye Yaashii Dowlada Fadaraalka Kmg Somaliyeed Oo Looga Gacan Haatiyey Mbagati Nairobi Mar Kale. DaawoSawirada.

October 27, 2008

Ciidamada Ethiopia ayaa madaafiic ku garaacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ka dib dagaal daqiiqado socday oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda

October 25, 2008

Dabley hubeysan oo dil toogasho ah u geystay mas.uul ka tirsaneyd hay.adda iida

October 25, 2008

Gobalada Bay iyo Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka jirta cabsi farabdan markii Ciidamda dowlada Fadaralka KMG oo garab ka helaya Ciidamda Ethiopia ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo Milatari iyagoo Xoogaga ka soo hor jeeda ayaguna difaac  ay u safteen sidii ay isaga dufaaci lahaayeen dhinka Ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia.

October 25, 2008

Kulan looga arinsanayey arimaha nabad galiyada iyo amaanka ayaa waxa uu ka dhacay dagmada Caabudwaaq, kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan saraakiisha Midowga Maxaakiimta ee Gobalada Dhexe wax garadka labada dhinac culuma u’diinka iyo saraakiil ka socotay Ciidamada Maamulka nabad galiyada dagmada.

October 25, 2008

Maamulka Gobalka ShHoose ayaa markii ugu horeysay ka mamnuucay siditaanka iyo isticmaalka hubka sharci darada ah ee aan istacmaalin Ciidamada amaanka iyo kuwa Hay’adaah samafalka ah islamarkaasna ay istacmaalaan dadka rayidka ah.

October 25, 2008

waxaa hakad ku yimid dhaq dhaqaaqa gaadiidka ka howlgala wadada isku xirta G Banaadir iyo Bay, iyadoo taasina  ay ka  dambeysay kadib markii Ciidamo ku safrayey inta u dhaxeysa Lagu weerarey.

October 25, 2008

Dagmada Bardaale iyo deegaanka owdiinle oo kawada tirsan gobalka Bay ayaa waxa ku sii xoogeysanayo dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo xoogan oo ay wadaan Ciidamada dowlada fadaraalka KMG Somaliya oo garab ka helaya kuwa Ethiopia  oo ku dagaalamay duleedka bardaale ee gobalka Bay,

October 25, 2008

wararka ka imaanaya wadddada isku xirta gobolada Bay iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in uu dagaal aad u xoogani uu imminka ku dhexmarayo ciidamda Ethiopia iyo xoogagga Alshabaab ee iyagu sida weyn u diidan siyaasadda dowladda.

October 25, 2008

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada ethiopia iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay gudaha u galeen magaalada Xudur ee gobolkaasi halkaasi oo ay gacanta ku hayeen xoogagga dowladda ka soo horjeeda.

October 25, 2008

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in urukoodu ka dambeeyey weerar habeenkii xalay ahaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba ee caasimada u ah gobolka Bay isla markaana ah xarunta golaha baarlamaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

October 25, 2008

Waa cudur jahligu jaallee  ! waa cadowgii dalka jahligu jaallee ! aynu ciribtirnee adne qalinka buuga kula carar, ku celceli aqriga yaan cadaawuhu ku soo celiinine caa cee cii coo cuu shalay baan cilmi la.aa maantana caalin baan ahay cawo iyo saniibkey

Somalaay ka soo durug kashka iyo colaadhaha Daawo Sawirada.

October 23, 2008

Sida laga soo xigtay Millateriga Mareykanka bom wadada dhinaceeda la dhigay ayaa dilay askar ka tirsan ciidamada huwanta ee ku sugan dalka Afghanistan isla markaana uu hoggaamiyo Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *